Madaxweynaha Koonfur Africa Ramaphosa Muxuu ka yiri Dadka Ajaanibta Sharci darrada ah ee ku sugan dalkiisa?

0

Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa sheegay in soo-galootiga sharci-darrada ah ay culays weyn saarayaan adeegyada dadweynaha islamarkaana ay adkeynayaan dadaallada lagu abuurayo shaqooyin hufan oo loogu talagalay muwaadiniinta dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladdu ay qaadayso “tallaabooyin adag oo go’aan leh” si wax looga qabto caqabadaha la xiriira maareynta dadka Sharci la’aanta ah ee dalka ku sugan iyo qulqulka muhaajiriinta dalka soo galaya

“Waxaan u baahanahay inaan wax ka qabanno caqabadda socdaalka. Marka si wanaagsan loo maareeyo oo loo nidaamiyo, socdaalka muhaajiriinta wuxuu gacan ka geysan karaa koboca dhaqaalaha iyo abuurista fursado loo wada siman yahay

” Si kastaba ha ahaatee, waa inaan la tacaalnaa socdaalka sharci-darrada ah.. Waxaan aragnay sida soo-galootiga sharci-darrada ah ee dalka soo gala ay cadaadis u saari karaan adeegyada dadweynaha islamarkaana ay u wiiqi karaan dadaalladeenna lagu abuurayo shaqooyin hufan oo loogu talagalay dhammaan dadka.”

Hadalka Madaxweyne Ramaphosa ayaa la filayaa in uu sii xoojiyo doodda adag ee ka taagan dalka, iyadoo qaar kamid ah bulshada ay ku baaqayaan in si adag loo fuliyo sharciyada socdaalka, halka kuwo kalena ay ka digayaan in dhibaatooyinka dhaqaale loo beddelo arrin keeni karta kala qaybsanaan bulshada dhexdeeda ah.

Dhinac kale inta badan gobolada Dalkani Koonfur Afrika mudo Todobaadyo waxaa ka socda Dibadbaxyo wa weyn oo looga so horjeedo Joogitaanka shisheeyaha aan sharciga haysan iyadoo Dibadbaxyada qaar lasoo wariyay in ay dhaliyeen rabshado dad shisheeye ah lagu dilay islamarkaane lagu boobay dukaamo dhowr ah oo ay lahaayeen Ganacsato ajaanib ah waxaana jirta cabsi iyo walwal laga qabo in dibaddaaxayada sii socdaan islamarkaane ay isku bedalaan kuwa lagu dhibaateeyo dadka aan u dhalan Koonfur Afrika islamarkaane Qaxootiga iyo deganaanshiyaha ku ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *