Mpumalanga: Ururuka March and March oo Dibadbax ka sameeyay Deegaanka Mbombela
Mpumalanga “Dhaqdhaaqa March and March iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka ee Mbombela ayaa maanta dibadbax ka sameeyay bartamaha magaalada Nelspruit iyagoo xiray dhamaan dukaamada Ganacsiga oo ay sheegeen inay leeyihiin dadka shisheeyaha ah ee aan sharci haysan.
Dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay ka cabanayaan milkiilayaasha dukaamada Ganacsiga ay ku eedeeyeen inay si sharci darro ah u shaqeynayaan,
Booliska iyo ciidamada ammaanka ay la socda Dibadbaxyasha si looga hortago in Dubadbax isu bedalo mid geeysta rabshado ama burbur hantiyeed
Dibadbaxyada ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka socday magaalooyin kala duwan oo South Africa ah, iyadoo ay sii kordhayaan doodaha ku saabsan qulqulka muhaajiriinta aan sharciyeysnayn