Xaaladda hadda ka jirta Xaafadda Kraaifontein ee Duleedka Magaalada Cape Town, Koonfur Africa.

0
710022651_1764937237820106_8002715540029381139_n

Xaaladda hadda ka jirta Xaafadda Kraaifontein ee Duleedka Magaalada Cape Town, oo ay ka dhaceen Dibadbaxyo looga soo horjeedo dadka aan u dhalan dalkan.

Dowladda ayaa ciidamo milatari ah u daadgureeysay si ay uga hortagaan Dibadbaxyada rabshadaha wata

“Maxaa Ka dhacay Xaafadda Kraaifontein⤵️

Dibadbaxyo rabshado wata oo la xiriira naceybka muhaajiriinta ayaa la sheegay inay ka bilowdeen iskuullada magaalada Cape Town.

Fowdo ayaa shalay ka dhacday Deegaanka kraaifontein kadib markii arday ka kala socday laba dugsi sare oo ku yaalla Kraaifontein ay waddooyinka isugu soo baxeen

Qiyaastii 700 oo arday oo ka kala socday dugsiyada Masibambane iyo Hector Peterson High School ayaa bilaabay Dibadbaxyo markii dambe rabshado isku rogay, iyagoo dalbanayay in ajaanibta laga saaro iskuulladooda iyo dalka guud ahaan.

Waxaa sidoo kale la sheegay in qof ajaanib ah la weeraray intii ay rabshaduhu socdeen

Sida ay booliisku sheegeen, ardaydu waxay dhagxaan ku tureen Gaadiidka marayay waddooyinka, qaarna waxay beegsadeen baabuurta shaqaalaha iskuullada.

Kooxo kale ayaa u dhaqaaqay saldhigga booliska ee Kraaifontein, iyagoo jidka ku burburinayay islamarkaana dhac u geysanayay ganacsiyo warata ah iyo dukaamo ganacsi oo ajaanibta leedahay.

Booliska ilaalinta dadweynaha ayaa loo diray goobta ay dibaddaaxyada ka dhaceen si xaaladda loo xakameeyo looguna celiyo ardayda iskuulladooda.

Waaxda Waxbarashada ee gobolka Western Cape Education Department (WCED) ayaa xaqiijisay inay ka warqabto dhacdooyinka, iyadoo sheegtay in rabshaduhu ay ka billowdeen schoolka Masibambane Secondary School ka hor inta aysan ku fidin iskuullo kale oo ku dhow dhow

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *