AKHRISO: Imiseey Gaarayaan Cadadka Kiisaska Racfaanka ah ee Dadka Magangelya Doonka ah ee ku nool Koonfur Africa? Wax badan ka Ogoow.
Dib u dhaca Sharciga (Appeal-ka) ee Racfaanka Magangelyada ee Koonfur Afrika ayaa gaaray in ka badan 160,000 oo kiis, taasoo keentay walaac ku saabsan dib u dhacyada sii kordhaya iyo cadaadiska saaran nidaamka socdaalka ee dalka.
Sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Gudaha, dib u dhaca waxaa ku jira in ka badan 70,000 oo kiis oo firfircoon iyo ku dhawaad 90,000 oo kiis oo aan firfircooneyn, iyadoona codsadayaal badan ay sugayaan muddo sannado ah, go’aanno kama dambeys ah oo ku saabsan rafcaankooda.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in codsadayaasha firfircoon (Active-ka ah) ay sii wadaan cusboonaysiinta dukumentiyadooda, halka meesha ay joogaan codsadayaal badan oo aan firfircooneyn weli aan la caddeyn, taasoo abuurtay caqabado maamul oo dheeraad ah.
Khubaradu waxay la xiriiriyeen dib u dhaca sii kordhaya habaynta gaabiska ah, awoodda adeegga oo xaddidan iyo caqabadaha xafiisyada, iyagoo ka digaya in dib u dhaca daba dheeraaday uu sii xoojin karo cadaadiska adeegyada dadweynaha iyo maaraynta socdaalka Koonfur Africa.
